Yeman: Xuuthiyiinta oo Gantaal la helay Markab Shidaal oo Sacuudigu leeyahay

Kooxda Xuuthiyiinta Yeman ayaa weerar Gantaallo ah ku qaaday maraakiib shidaal oo Sacuudiga lahaa kuwaasoo marayey Badda Cas meel u dhow Marinka Baab Almandab ee dalka Yeman.

Weerarka oo ahaa kii ugu horeeyay ee Xuuthiyiinta ay la beegsadaan Maraakiibta Sacuudiga ee shidaalka qaada ayaa la sheegay inay Gantaallada waxyeelo gaarsiiyeen Markab ka mida laba markab oo ay weerarreen, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Boqortooyada Sacuudiga oo ku dhawaaqday inay joojisay maraakiibtii shidaalka ee mara Marinka badda Cas ee Baab Al-mandab.

Shirkadda Shidaalka Sacuudiga ee ARAMCO ayaa goor dhow soo saaray war-cad oo ku saabsan weerarka Xuuthiyiinta oo weerar ku qaaday laba Markab oo shirkaddu leedahay, kuwaasoo siday midkiiba Hal Milyan oo fuusto, iyadoo mid ka mida  oo lagu magacaabo DAMAAM uu soo gaaray qasaare kooban.

Xuuthiyiinta ayaa dhinacooda sheegay  in Gantaal ay ku rideen markabka Damaam uu si toos ah u haleelay, sidii loogu talogalayna ugu dhacay Markabka, waxayna sheegeen inay weeerar gantaal ku haboon ku qaadeen Markabka meel u dhow Galbeedka dalka Yeman ee magaalada Xudeyda.

Wasiirka Saliida Sacuudiga Khaalid Al-faalix ayaa shaaciyey in Sacuudiga gebi ahaan joojiyey inay maraakiibtiisu maraan badda Cas, gaar ahaan marinka Baab Al-mandab, ilaa iyo inta uu marinkaasi noqonayo meel amni ah oo aanay wax halis ah uga imaaneynin Maraakiibteeda.

Waxaa socda dadaal loogu jiro in maraakiibta ku waxyeeloobay weerarka Xuuthiyiinta dib loogu celiyo dalka Sacuudiga.