Yaa ka danbeeyay dilkii Aamina Xuseen Xasan..? (Ardayad & Sarkaal sare oo NISA ka tirsaneyd) (Faallo)

Warkii ugu danbeeyay ee na dhex mara 7 casho ka hor intaan lagu toogan gudaha fasalkay dhiganaysay Aamina waxaa ka mid ahaa ‘’Adeer saraakiil laba wajiilayaal ah ayaa kusoo batay Hay’addii.

Naftayda kuwaas ayaan uga baqayaa Shabaabka ayagaa ka xun’’, Aamina oo 10 Gu’ iyo dheeraad ka mid ahayd Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya waxay si wayn uga cabsi qabtay saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA .

Magac yadooda iyo meeqaam kooda intay ii taxday ayay tiri Adeer Xiiranoow waan hubaa oo tayda dhaafi maayo , yaan loo dayn laba wajiilayaasha ( Basaasiinta) Shisheeyaha iyo Shabaabka shirqoolada la maleega inay ku naaxaan dhiigga dadka iyo dalka darajana loogu daro.

Xafiiska Madaxwaynaha iyo kan wasiirkisia 1 aad midkoodna ugu yaraan uma tacsiyayn Qoyskay ka baxday Aamina , Geerida ka dib shaqada Aamina maahan sir, waxay mudan tahay in lagu maamuuso shaqadii ay 10 sano iyo dheeraad usoo haysay Qaranka , Madaxda dadkooda iyo dalkooda maamuuska iyo meeqaamka ku leh markay ka geeriyoodaan saraakiil waliba ka daraja hooseeya Aamina waxaa la marsiiyaa maamuuska ay mudnaayeen hasa ahaattee Aamina waxaad mooddaa inay ka dhimatay oo kaliya Qoyskeeda gaar ahaan Wiil yar oo 2 jir ah oo ay Aamina walaasheed ka umul raacday maantuu dhashay .

Xafiiska Wasiirka 1 aad oon ka xuuraan saday waxaa la iisheegay in xafiisku og yahay oo kaliya inay Aamina ahayd Ardayad wax ka dhigata Jaamacad xamar ku taalla , Xafiiska Madaxwaynaha waxaa la iiga sheegay 2 maalin toogashadii Aamina kadib inay og yihiin oo kaliya Gabar 9 jir ah oo askartu toogatay .

Intay noolayd Alaha u naxariistee Aamina oo aan kawar qabay waxay cabsi bilowday 6 dii bilood ee nadhaafay waxayna xoog uga sheeganaysay saraakiil haattan ka tirsan nabad sugidda , Waxay ii sheegtay inay jiraan Saraakiil badan oo danaha Shisheeyaha u jooga xarumaha Dalka shaqadooduna tahay curyaaminta iyo carqaladaynta hanaanka la dagaallanka danbiyada qorshaysan.

Cidkasta oo ka danbaysay dilka Aamina Xusseen waxa la khaarajiyay waa Hooyo Soomaaliyeed oo u adeegaysay qoyskeeda iyo Qarankeeda , halkii la doono eedda dilkeeda disha ha loo saaro waxaase aan shaki ku jirin Hay’adda NISA uu raadku galay , ama khaarajin toosa ha ahaato ama fududayn loo sameeyay qolyahay gaysta dilalka qorshaysan. Waxaase is waydiin mudan Maxay Madaxdu geerida Sarkaal Sare oo NISA ah qiima ula yeelan wayday ? Miyaysan Qoyska Aamina mudnayn in ugu yaraan loo tacsiyeeyo ? Mise Tanzaaniyaanka ayaa ka mudan ?

W/Q F. Xiirane
(N.S.S 1976 – 1991)