Wasiir Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Oo Xalay Geeriyooday

Alla ha u naxariistee waxaa xalay Magalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan hore Macalin Maxamuud(Macalin Jiis) oo mar ka mid noqday Golaha Wasiradda Dowlad goboleedka koonfur Galbeed.

Isbitaalka Umah ee Magalada Muqdisho ayaa la sheegay in maalmahaan uu ku jiray kadib markii uu xanuun soo wajahady sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Macalin Maxamuud(Macalin Jiis) ayaa mar ka mid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanadii 6-aad iyo 7-aad ee KMG ahaa ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu haatan ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Bay’adda iyo deegaanka ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya,isla markaana uu ka mid ahaa xildhibaanada Maamulka koonfur Galbeed.