Soomaaliya oo Safaarad ka furnaysa Dal ka mid ah kuwa Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Ciise iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galaya Shirka 73-aad ee Qaramada Midoobay ee ka socda Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa halkaasi kulamo kula qaatay dhigiisa Kosovo.

Kulankii uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kosovo ayay kaga wada hadleen xariirka labada dal, iyadoo dowlada Kosovo Carabka kudhufatay in Soomaaliya ay ku leedahay abaal weyn Taas badalkeedana ay Kosovo diyaar u tahay in ay abaalkaasi guddo.

Sidoo kale waxa ay halkaasi ku soo bandhigeen in Soomaaliya ay saafaarad ka furato Kosovo ayna fududeeyn doonaan adeegyada furista sadaarad Soomaliya ay ku yeelato halkaasi.

Kosovo ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wadashaqeyn weyn dhex marto labada dowladood,isla markaana taasi ay sahli karto dfurista Safaarada.