Sheekh Maulana sami Al Xaq oo la dilay

Wadaadka reer Pakistan ee la yirahdo Maulana sami Al Xaq kuna caan baxay magaca ‘Aabaha Taalibaan’ ayaa lagu dilay magaalada Waqooyiga ku taalla ee Rawalpindi.

Warbaahinta maxalliga oo ka soo xigatay qoyska wadaadka ayaa sheegay in tooreey lagu dilay halka warar kalena ay sheegayaan in la toogtay.

Ma kala cadda sababta loo dilay Maulana Sami Al Xaq.

Al Xaq ayaa ahaa madaxa maddarasada Xaqqaaniyah oo ku taalla waqooyiga Pakistan, halkaaso ay wax kasoo barteen xubno ka tirsan ururka Taalibaan, waxaana kamid ahaa dadkii kasoo qalin jebiyay maddarasada Mullah Cumar oo ahaa aasaasihii ururka Taalibaan.

Wiil uu dhalay wadaadka wuxuu sheegay in aabihiisa dhowr jeer tooreey lala dhacay xilli uu ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalla magaalada Rawalpindi.

“Wuxuu casarkii ku nasanayay guriigiisa markaasi waxaa dibadda u baxay darawalkiisa muddo 15 daqiiqo ah” ayuu yiri Maulana Xamid Al Xaq oo ah wiilka wadaadka.

Wuxuu sii raaciyay “Markii uu soo laabtay, wuxuu arkay aabahay oo dhintay oo jirkiisa oo idil dhiig qabsaday”.

Qaar kamid ah ehelada Al Xaq ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in jirkiisa ay ka muuqatay dhaawacyo raasaas.

Ilaa hadda cid sheegatay ma jirto ma’suuliyadda dilka Al Xaq.

Saraakiisha dalka Afqanistaan ayaa wadaadka la dilay oo 80 jir ahaa ka codsaday inuu ka qayb qaato wadahadallada furmay ee u dhexeeyo dowladda iyo Taalibaan.

Wuxuu ahaan jiray sanatar hore oo hoggaamin jiray xisbi ay ku taagnaayeen urur diimeedka Jaamicatul Culaama’u Islaam, wuxuuna ku dhawaa xisbiga ra’iisul wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan.

Cimraan Khaan wuxuu hadda boqasho ku jooga magalaada Beijing ee dalka Shiinaha balse bayaan kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu caambaareeyay dilka Maulaan Al Xaq isla markaasna lagu amray in baaritaanno lagu sameeyo dhacdada.

Maulaana Sami Al Xaq waxaa ku xirnaa kumannaan qof oo ay kamid yihiin ardeydiisa, shacabka Afqanistaan iyo xubnaha Taalibaan.