Nin dhalin yaro ah oo lagu magacaabo Haliru ayaa la xiray Kadib markii dadka Degaanka ay ku war galiyeen Booliska in nin kaasi uu Hooyadiis madaxa ka jaray.
Af hayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in Ninkaasi ay war bixintiisa soo gudbiyeen dadka Degaanka kadib markii ay ka shakiyeen dhaq daqaaqiisa maalinimadii uu Falka geysanayay.
Ninkaan oo ku nool Gobolada Waqooyi ee dalka Nigeria ayaa Hooyadiis Zandi Madaxa ka jaray Asagoona doonayay inuu Iib geeyo Madaxa Hooyadiis Zandi.
Booliska ayaa Ninkaas weydiiyay Sababaha ku dhaliyay in uu Hooyadiis sidan foolxumada ah u Gowraco balse waxa uu ku jawaabay in uu dalab lacageed ka helay Qolyaha Quraafaadka wax ku Daweeya ee dadka Xubnahooda sheega in ay u adeegsadaan in ay wax ku daweeyaan.
Ninkaan ayaa markii lasoo qabanayay aan wadan Wax dhar ah waxa uuna gacanta ku waday Madaxa Hooyadiis uu doonayay inuu Boorso ku rido si uu ugu gudbiyo Qolyahii soo dalbatay Sidoo kale waxaa uu sheegay in Heshiiska ay ku jirtay asagoon Wax dhar ah wadan inuu Hooyadiis Madaxa ka gooyo taaso dad badan ka yaabisay.