SAWIRRO: Haweeney Neef Ari ah Calooshiisa ka dhex heshay Dahab iyo Shilimaan

Haweeneydan ayaa kasoo iibsatay Neefkan Ariga ah Suuqa lagu magacaabo Afrikpe Ekori ee Degaanka Ejeri Ekori.

Haweenwydan oo aan sidaas uga fogeen Suuqa ay Neefkan ka iibsatay ayaa Saacado kadib Neefki Ariga ahaa bireysay ama Gowracday waxa ayna ku aragtay Calooshiisa waxyaabo kala duwan oo ay kamid yihiin Faraanti ama far gashi dahab ah, Katiinad dahab ah, Suunka Saacadaha, Fooqa Risaasta, Shilimaanti hore iyo waxyaabo kale oo badan.

Dadka degaanka Ejeri Ekori ayaa aad ula yaabay waxa laga helay Caloosha iyo Mindhicirada Neefkan Ariga ah.

Hoos ka daawo Sawirada Waxii laga helay Caloosha Neefka Ariga ahaa.