SAWIRRO: Fanaanad caan ah oo duulimaad laga hakiyay kadib markii laga shakiyay Da’da ay jirto iyo Muuqaalkeeda

Fannaanada caanka ah ee u dhalatay dalka Ukrain Natalia Dzenkiv ayaa lagu hakiyay midka mid ah garoomada Diyaaradaha dalka Turkiga, kadib markii laga shakiyay da’da ay jirto.

Fannaanada ayaa u muuqatay mid aad uga yar da’da ay jirto marka loo eego Taariikhda Dhalasho ee ugu qoran Baasaboorka oo ah 41 sanno jir.

Markii ay ogaatay in loo heeysto Quruxdeeda iyo da’a ay Jirto Fannaandda waxa ay uga Jawaabtay Qosol Gariir ,ka dibna waxa ay ku baahisay Barta ay ku leedahay Twitter-ka iyo Instagram-ka .

’’Waxaan la yaabay in muuqaalkeeyga lagu mashquulay oo su’aalo laga keenay da’da aan jiro ma’ahayn, wax aan maleynayay in aan la kulmayo nolosheeyda waana sababta ay ii joojiyeen maamulka Garoonka’’ Ayey tiri Fanaanada Natalia.

Wax badan waxaan la kulmay sheekooyin iyo hadallo duur xul ah oo looga faalloonayo da’da aan jiro in aan aad uga yarahay laakin ma u maleeyneeynin in Safar Garoon Caalami ah la’ii joojin doono .

Sawiro hore oo laga qaaday laguna dhajiyay Sawir wiil ay dhashay oo muuqaal ahaan aad uga weeyn laakin loo maleeyo in uu aabaheeD yahay taas oo aad looga hadal hayay baraha Bulshada.