SAWIRRO: Fanaan Caan ah oo xalay tuugo si xun u dhaawacday kana qaateen Gaarigiisa

Fanaanka aadka looga yaqaano gudaha dalka Uganda ee Chris Evans Kaweesa ayaa la sheegay inay weerar kusoo qaadeen Koox Burcad ah xili uu ku sugnaa Bartmaha lungujja.

Burcada ayaa la sheegay inay Dhaawac halis ah u geysteen Chris taaso la sheegay inay ay u adeegsadeen dhaawaciisa Buris iyo Budad iyo waxyaabo kale oo Gacan qabsi ah waxa uuna dhaawaca ka gaaray Madaxa oo ay in badan kala dhaceen Buriska. Hadana waxaana lagu dabiibayaa Isbitaalka Mengo.

  • kadib markii ay dhaawac halis ah u geysteen ayay ka qaateen Mobilkiisa iyo Gaarigiisa waxaana la sheegay in ay la baxsadeen inkastoo marki dambe la sheegay in gaariga lagu qabtay Mutundwe oo ah magaalo u dhow meeshi dhaawaca loogu geystay.