Kheyre qabqable ma yahay?!

Waxaa dood ka dhalatay ka dib markii lagu soo qoray bogga Faysbuug ee muuqsidaha Somali Cable, weydiintan ah; Kheyrre Qabqable soo daahay ma u dhaqan egyahay?.

Marka laga soo tago, in hawlwadeennadu ka cudurdaarteen, hal mid aan is weydiinno; yaa qabqable lagu tilmaami karaa?.

Inta aan la gaarin, horta macnihiisa baro; qabqable, wuxuu is ka saaran yahay qab+qab oo la raacayey sifayn.

Ujeedku waa is ku qaadid meel ama wax aan kuu qummanayn. Si kale, qaadasho ama keli la noqosho wax qoom ka dhexeeya, adoo quwad ama qardajeex kale adeegsanaya.

Qabqable waa eray qaabdarro iyo tilmaamaya qarribnaan.

Qabqablayaashii inta sare ayey lahaayeen, oo dadka iyo dalka ayey afduub ku haysteen, aayahooda talogelin la’aanna u meelmarinayeen.

Xasan Kheyrre intan uu xukunka hayo, xukuumadda u yahay wasiirka koowaad dhaqammadiisu labo ayey isugu jireen: SHOOWIISTENNIMO iyo is tustusid, midda kale, waa QABQABLAYN iyo qardojeex.

Midda uu ugu duwan yahay qabqablayaashii hore waxay tahay, is la weyni iyo ku ma jirin, in ay dadka wax dheeraayeen, ee waxay ahaayeen is ka Soomaali caadi ah, oo awood iyo itaal mararka qaar aysan maarayn karin uu gacanta u galay.

Wixii Muqdisho ka dhacay gugii Xasan Kheyrre talada xukuumadda hayo, haddii aan qabqable lagu noqonayn maba jirto qabqablennimo! Sabab?.

-Bariirre saddax wasiir oo xukuumaddiisa ka tirsan ayaa si dhaqanxumo iyo qabqablayn ah uga hadlay, Formaajana tacsidii ayuu tirtay. Warar lagu kalsoon yahay, oo wasiirradaa qaar laga soo xigtay ayaa caddanaya, in qoraalkii qaabta darnaa amarkiisa uu Kheyrre lahaa. QABQABLENNIMO!

– Haanta Dheer: habeen madow weeraridda xero ciidan weliba militeri ah, Waa dhaqanxumo. QABQABLENNIMO!

– waxa ay ku sheegin xasilinta (XANNIBIDDA) ma ahayn ciidan is ku dhafan, ee waxay u badnaayeen beelo cayiman, oo xulkeeda uu qayb weyn ku lahaa Kheyrre. QABQABLENNIMO!

– weerarkii guriga Cabdirahmaan Cabdishakuur seqdhexe amarkiisa Kheyrre qayb ayuu ku lahaa, waxaana la ogaa Formaajo iyo Fahad Yaasiin. QABQABLENNIMO!

– ujeedku wuxuu ahaa, in la qaarijiyo Ina Cabdishakuur, oo ah dhaqan QABQABLENNIMO!

– dilka askar dawladeed waa dhaqan QABQABLENNIMO, balse, in maydka la xabaalqarsado ayuu Kheyrre dheer yahay, oo sii dhaqanxumo weyn ah. Qabqableyaashu way ka xishoon lahaayeen maydka. Hubaal.

– afduubka iyo qafaalashada siyaasi uga soo horreeyey siyaasadda, dalkan heerka uu joogana qayb ka soo gaarsiiyey, waxaa ku kacay Kheyrre. QABQABLENNIMO!

– sii deyntiisa waanwaanta ka dib, waxaa dib u dhigay waxay eheed ka madax adaygidda Kheyrre. QABQABLENNIMO!

– weli ninkaa wuxuu xabsi guri ugu jiraa Kheyrre, Formaajo iyo Fahad, wasiir Sabriyana maaweelo ayaa lagu wadaa. QABQABLENNIMO!

– la wareegidda ammaanka xarunta baarlamaanka, oo lagu qabsaday ciidan uu soo diray Kheyrre. Tani ma ahan dhaqan QABQABLENNIMO, ee waa ka sii foolxun tahay. RW qabsanaya xarun baarlamaan!

– cabsida magaalada laga dareemay, heer aqalka sare dalbadaan ciidan AMISOM ah. QABQABLENNIMO!

– garasho la’aanta in aan la baajin kulankii shalay, oo ka dhignaa dhiig daata uun, oo ah midda Kheyrre rabay. QABQABLENNIMO!

Intaa iyo in ka sii badan, haddii aan QABQABLE lagu noqonayn, maba jiro qof qabqable ah, ee yeynaan qiyaali isu sheegin.

Marka aniga say i la tahay, Qayrre waa yahay qabqable, qiraalna waxaa u ah qaab dhaqankiisa ku qormay sooyaalka, waxaase ka badan inta uu soo wado haddii aan la qoorqaban, saa qiyaas iyo qasad nin ku tagaya ma ahane, qofkase ka mudan qadaanqadin waa Formaajo.

W/Qoray: Bashiir M. Xirsi