Qatar oo Dacwad ka dhan ah Imaaraatka u gudbisay Maxkamadda ICJ

Dowladda Qadar ayaa dacwad ka dhan ah dowladda Imaaraadka Carabta u gudbisay Maxkamadda ICJ ee Magaalada Hague, iyada oo dacwada u dhaxeyas labada dhinac ay bilaabatay.

Dowlada Qatar waxa ay Imaaraadka ku eedeysay xadgudub dhinaca xuquuqda aadanaha ah iyo Takoor gaar ah oo ay ku sameysay muwaaddiniinta Dalka Qadar eek o nool Imaaraadka Carabta.

Qatar ayaa ayaa Maxkamada horgeysay in Imaaraadka uu u gefay jiritaanka Dadka Qatar,in ka badan 13,000 oo dad u dhshay dalka Qatar dalkaasi laga eryay qaarkoodna hantidooda la boobay,halka kuwo kale loo diidan in ay Eheladooda dib u midoobaan.

Sidoo kale in Imaaraadka hawadiisa uu ka mamnuucay Diyaaradda Qatar Airways iyo qodobo kale.

Wakiillada Dalka Qatar ayaa shalay oo Arbaca ahayd waxaa ay Maxkamadda ka hor jeediyeen dacwadda ay u qabaan Imaaraadka.

Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Wakiillada Imaaraadka aay iyaguna fal celinta Dacwadda Imaaraadka ka jeediyaan Maxkamadda horteeda.

Gaba gabadii  Wakiillada Qatar waxaa ay sheegeen in Dowladaha kale ee go’doomiyay,sida,Sucuudiga,Masar iyo Baxreyn aysan u dhaqmin sida ay u dhaqantay Imaaraadka