Norway: Maxkamad lasoo taagayo Haweeney 70 Jir ah oo aflaagaysay gabar Soomaali ah.

Sida lagu qoray wargeyska lokol-ka ah Bergens tidende ee magaalada Bergen kasoo baxa,
Haweenay 70 sano jir ah ayaa maxkamad lasoo taagi doonaa, kadib markii lagu soo eedeeyay inay hadalo isir naceyb ah Sumaya Jirde Cali oo ah  dhalinyaro soomaali.
Qoraal kasoo baxa Magaaladaasi ayaa lagu sheegay in Haweneydan oo 70 sano jir ah lasoo taagidoono Maxkamad kadib markii Baranbaro ku tilmaamtay Sumayo Jirde Cali oo Qoraa ah.
70 Sano jirtan ayaa qoraalkaasi soo dhigtay barta ay ku leedahay Facebook waana sababta keentay in Dacwadeeda loo gudbiyo dhanka maxkamada.
Mar ay la hadashey Wargeyska AB ee kasoo baxa dalka Norway ayay sheegtay in aysan ka qooma meenenin hadalka ay ku tilmaamtay Sumayo.
Dhanka sumayo oo hadashey waxay sheegtay in aysan ka warheenin kiiska iyo qoraalka ay soo qortay haweyneyda iyadoo ka gaabsatay in ay fakar ka bixiso.