Nin Norway ka guuray oo qoyskiisu ay kula dagaaleen shaqada dhar dhaqida.

Sadiiq Faarax Heybe, waxa uu kamid ahaa jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, wuxuuna mudo degenaa, kana shaqeyn jiray magaalada Drammen. 

Sadiiq ayaa dhawaan wareysi uu siiyay TV Soomaali ah ku sheegay inuu dalkiisii hooyo dib ugu noqday, kadib 14 sano oo uu Yurub dhibaatooyin xaga sharciga ah ka heysteen. Wuxuuna sheegay inuu furtay goob shaqo oo isaga u gaar ah, goobtaas shaqo oo ah Doobile ama goobaha dharka lagu dhaqo. 

Wareysi ay BBC-da siiyeen qoyska Sadiiq ayay ku sheegeen inay ka xunyihiin shaqada cusub ee Sadiiq Faarax Heybe, waxeyna sheegeen inay ku deyriyeen shaqada uu doortay darteed. Iyaga oo sheegay in shaqada noocaas ah ay tahay wax qoyskoodu aysan abidkood ka shaqeyn.

Xaaska iyo qaraabada Sadiiq ayaa BBC-da u sheegay inay u maleynayaan in Sadiiq uu waashay, maadaama uu doortay inuu ka shaqeeyo shaqo noocaas ah, isaga oo kasoo jeedo qoys la yaqaan oo bulshada deegaanka magac ku leh.

Sadiiq ayaa dhankiisa BBC-da u sheegay in waxa kali ah ee shaqadan ka celin karo ay tahay xaaraanimo, shaqadana ay tahay mid xalaal ah. Wuxuuna sheegay in hada qoyskiisu ay wadaan qorshe Sadiiq reerka looga saarayo. 

«Muddo saddex sano ah ayaan warshad dharka lagu dhaqo ee ku taala dalka Norway ayaan ka shaqaynayay, waxaana halkaas ka helay fikrad ah in dhar dhaqista ay tahay shaqo lacag leh. Marka waxaan aaminsanahay in waxa kaliya ee shaq0 iga celin karo inay tahay wixii uu Ilaahay xaaran ka dhigay shaqana waa shaqo noocay rabtaba ha noqotee

Halkan ka dhagayso Waraysiga Sadiiq uu siiyay idaacada BBC da laanteeda afka Soomaaliga.