Nin dilay xaaskiisa oo duleedka Muqdisho lagu qabtay

Dadka deegaanka ayaa sheegay nin lagu magacaabo Calas Geelle Salaad inuu xaaskiisa ku dilay duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Sarkuusta.

Ninkaan ayaa la sheegay inuu horay u xanuunsanan jiray, balse la qur’aan saaray, kadibna xaas guursaday, ayaa maanta Xaaskiisa wuxuu ku dilay Xaafadda Sarkuusta ee duleedka Muqdisho, isaga oo dilka xaaskiisa u adeegsaday toorey.

C/laahi Xuseen Jimcaale oo ah Wiilka falka dilka ah gaystay Abtigiisa, ayaa sheegay in lagu guuleystay qabashada gacan ku dhiiglaha falkaasi gaystay.

Wuxuu sheegay falka dhacay inuu yahay mid argagax leh, islamarkaana laba arrin ay salka ku hayso ninka oo maseeray iyo in xanuun hayn jiray uu ku soo kacay mar kale.

Allaha u naxariistee gabadha uu dilay ayaa lagu magacaabi jiray Hidaayo, waxayna u dhashay illaa Afar carruur ah, waxaana lagu guuleystay gacan ku dhiiglaha in la qabto.