Nin aan Muslim aheyn Oo Shabaab kaga badbaaday aqrinta Quraanka

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabab ayaa shalay jidka u galay Gaari waday Dadweyne ku safrayay waddo ka baxda Gaarisa,waxaana Gaariga la qabtay isaga oo maraya degaanka Handaro .

Dadka Muslimiinta ah ee la socday Gaariga ayaa sheegay in todobo Nin oo aad u hubeysan kana tirsanaa Al-shabaab ay joojiyeen Gaariga, islamarkaana dadka ku amreen in ay u kala baxaan Muslimiin iyo Gaalo.

Intaas kaddib saddex qof oo ka mid ah Dadkii Gaariga saarnaa ayaa noqday kuwo aan Muslim ahayn, dadkii Muslimiinta ahaa ayaa loo bixiyay gees halka saddexda kale la weydiiyay su’aalo ku saabsan waxa ay ka yaqaannaan Islaamka.

Waxyaabaha la weydiiyay waxaa ka mid ahaa in ay aqriyaan Towxiidka iyo todobada Aayadood ee Suuratul Faatixa,waxaana kaliya ku guuleystay mid ka mid ah saddexdii qof ee aan Muslimka ahayn.

Labada qof ee la dilay Midkood oo ahaa Karashbooy-ga Gaariga ayaa lagu magacaabayay Jowhn, waxaa uu ku fashilmay aqirnta Faatixada iyo Towxiidka sidaas ayeyna isaga iyo saaxiibkiis ku dhinteen.

Dadka Gaariga saarnaa qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhamaan todobada Nin ay si fiican ugu hadlayeen Afka Sawaaxiliga.

Isu duwaha Amniga Gobolka Soomaalida ee Kenya Maxamed Biriq,ayaa xaqiijiyay weerarkaas oo dhacay Jimcihii shalay,waxaana uu sheegay in Ciidamada amaanka ay ku daba jiraan raggii weerarkaas ka dambeeya oo uu sheegay in ay baxsadeen.

Dadka Gaariga la socday qaarkood ayaa Warbaahinta u sheegay in Raggaas mid  ka mid ah uu Ajanabi Carab ahaa inta kalena ay ahaayeen Afrikaan si wanaagsan ugu hadlayay Afka Sawaaxiliga.

Weerarkan waxaa uu ku soo aaday iyada oo dowladda Kenya ay sheegtay in ay qoraneyso Ciidamo Madani ah oo ka howlgala dhamaan lixdanka Xarun Boolis ama Baro amni ee Gobolka.