“Video” Muhaajiriin u badan Soomaali ayaa ku dhintay shil dooneed oo ka dhacay meel u dhow jasiiradda Lampedusa

Ugu yaraan 20 qof ayaa la sheegay in ay dhinteen kadib markii laba doonyood ay saranaayeen ku degeen badda u dhow jasiiradda Lampedusa ee Koonfurta Talyaaniga, Arbacadii shalay ahayd.

Muhaajiriinta saarnaa doonyaha waxay kasoo baxeen dalka Libya, waxayna kasoo jeedaan waddamada Pakistan, Sudan, iyo Soomaaliya, waxaana saraakiisha Jasiirada ay xuseen in waqti badan ay badda kusoo jireen.

Mas’uuliyiinta jasiiradda Lampedusa ayaa sheegay in meydadka la helay lagu sameynayo baaritaanno caafimaad, inkastoo ay jiraan caqabado la xiriira meelaha lagu hayo meydadka oo kooban, Dhakhaatiirta jasiiradda ayaa si degdeg ah uga shaqeynaya si ay u dhammeeyaan baaritaannada.

60 qof ayaa laga soo badbaadiyey dhacdadaan, iyadoo afar kamid ah ay qabaan dhaawacyo sida laf jabtay, waxaana la dhigay isbitaal si loo daryeelo.

Meydka ilma yar oo gabadh ah oo hal sano jir ahayd ayaa sidoo kale laga helay biyaha, taasoo sii xumeysay xaaladda murugada leh