Madaxweyne Erdogan oo wacad ku maray in Turkiga laga joojinayo Isticmaalka lacagta Dollarka ah

Recep Tayyip Erdogan  Madaxweynaha Turkiga ayaa wacad ku maray inuu dhagaha ka fureysanayo handadaadda uga imaanaysa Mareykanka ee ku saasban xariga baadari ameerikaan ah oo Turkigu u haysto eedo la xiriira argagixisanimo.

Madaxweyne Erdogan ayaa Mareykanka uga digay in Turkigu uu diyaar u yahay in uusan ku ganacsan wax doolar ah.

Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweyne Trump uu laba jibaaray canshuurta la saarayo birta iyo naxaasta Turkiga uu u dhoofiyo Mareykanka.

 Mareykanka ayaa dalbanayay in la sii daayo baadarigaasi Turkiga u xiran, balse Erdogan ayaa Washigton uga digay in xiriirkoodu uusan u xumaan sababo la xiriira xarigga baadarigaasi.

Waxaa uu sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in ganacsigiisa uu ku saleeyo lacag aan doolar ahayn uuna la baayacmushtaro dalal ay ku jiraan Shiinaha, Ruushka,Iiraan iyo Ukraine.

Erdogan ayaa ugu baaqay shacabkiisa in ay dalkooda taageeraan oo lacagaha qalaad ee ay haystaan ay ku bedeshaan liiraha dalkooda.