Macaamiisha ku xiran Facebook oo labo bilyan gaaray

In kabadan afar meeloodow meel ka mid ah dadka dunida ayaa bil kaste isticmaala Facebook, sida ay sheegtay bartaasi ay bulshadu ku xiriirto.
“Subaxan saaka ah laga billaabo bulshada Facebook isticmaasha labo bilyan ayay noqdeen,” ayuu soo qoray Mark Zuckerberg oo ah ninka aasaasay Facebook oo madaxdana u ah.
Arrintan ayaa imanaysa markii uu Zuckerberg aasaasay bartan 13 sano ka hor isaga oo arday ka ahaa jaamacadda Harvard.

Waxbarashadii jaamacadda ayuu isaga haray markii uu aasaasay bartan bulshada caalamku ku xiriirto.
Shirkadan wayn ayaa sannadkii 2012kii sheegtay in dadka adeegsada bilkaste ay noqeen hal bilyan.
Koritaanka shirkaddan ayaana ka soo horjeeda aragtidii wakhtiga badan jirtay ee ahayd in koritaankeedu uu hoos u dhici doono maadaama ay macaamiishu ka aadayaan Snapchat.
Horaantii sannadkan ayuu Facebook ka digay in uu gaabis ku iman doono faa’iidada ka soo gasha xayaysiinta.