Ma dhabaa in Muqdisho laga furay meelo looga Ganacsada gabdhaha Jirkooda ?

Gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Axmed Baarqab ayaa qarxisay fadeexad ku saabsan haween jirkooda laga ganacsado.

Jawaahir Baarqab ayaa shaacisay inay jiraan goobo ku yaalla Magaalada Muqdisho oo la geeyo haweenka jirkooda laga ganacsado, kuwaasoo intooda badan ah kuwa laga soo celiyo dibadda ee tarxiilka ah iyo arrimo kale oo ku saabsan dhaqan xumo weyn oo ka jirta habeenkii xeebta Liido.

Waxay intaas ku dartay iny jiraan gabadho la afduubtay oo ilaa iyo hadda aan la sheegi karin meel la geeyay, iyadoo sheegtay inay jiraan kooxo si gaara u abaabulan oo dumarka dhibaato ku haya.

Ma jirto cid Si sax ah u xaqiijin karta arintan ay ka dhaawjisay Gudoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Axmed Baarqab,

Arintan ugubka ah ayaa Maamulka Gobolka banaadir iyo hay’addaha amniga looga fadhiyaa inay baaritaan kh sameeyaan.