Guulwadayaasha guuldarrada Horseeda!

Sida madax badan oo uga horreysay xilka kudhacday una horseedday in waqtigoodu dhammaado iyaga oo maadeys iyo maaweelo kujira ayaa  raisalwasaare Xasan Cali Kheyre waxa qar katuuray guulwadayaal meeshii uu tagaba sacab iyo sawaxan isugu dara sax iyo qaladba, hadalkiisana kusoo horeeya hal-hayska marin habaabinta madaxda ee sax weeye! sax weeye! saxweeye.

Isaga oo malaha kajawaabayey hadalkii madaxda  dowlad-goboleedyada ee kusaabsanaa nabadgelyada Muqdisho ayuu sheegay in aanay jirin wax nabadgelyo xumo ah oo kajira caasimadda Muqdisho, waxa uu sheegay in uusan soo dhoweyneyn in layiraahdo magaalo madaxda dalku nabad ma aha, isaga oo gacanta bidix ruxaya hadalkana carrabka kudhejinaya ayuu yiri: “Ma garaneyno cidda loogu daneynayo in layiraahdo caasimaddu amaan ma aha”

Hadalkaas Raisalwasaaruhu waxa uu helay sacabka iyo mashxaraddda guulwadayaasha guul-darrada horseeda, oo si weyn uga qaybgalay mashruuca uu raisalwasaaruhu ugu magacdaray is xilqaan.

Waaqica iyo xaqiiqada dhulka taal ayaa hadalka wasiirka koowaad beenineysa, waxaana taas xoojinaya  welwelka ay muujiyeen xubno kamid ah golaha shacabka oo kulmay iyaga oo ammaankooda u cabsanaya, kaddib weerarka lagu qaaday Xildhibaan Maxamed Mursal Barow 15-Sep-2018.

Xildhibaano badan oo hadal kajeediyey golaha shacabka ayaa muujiyey welwelka ay kaqabaan maridda jidadka iyo in ay aqoonsigooda xildhibaanimo adeegsadaan, taasina waxa ay toosh ku shideysaa sida xukuumaddu aanay ugu baraarugsanayn walaaca kajira nabadgelyada ee gaaray heer ay xildhibaano leh illaalo iyo gaadiid uga baqaan ciidanka la tacaalaya nabadgelyada caasimadda, waxaa kamid ah xildhibaan Caasho Koos Maxamuud oo ah xubin katirsan golaha shacabka.

Waxa ay qaarkood gaareen in ay u soo jeediyaan raisalwasaaraha in uu iscasilo oo xilka isaga tago mar haddii ay taagan tahay sida ay xildhibaanadu kudoodeen in uu muddo kudhow 2 sano uu Raisalwasaare Kheyre kadhammmaan waayey hanjabaadda maamul-goboleedyada, waxa sidaas qaba oo kudooday xildhibaan Maxamed Xasan Idiriis.

Xillibaan Ganeey “Rw Xasan Cali Kheyre waa in uu is casilaa sababtoo ah wuxuu ku fashilmay xilkii loo dhiibtay”

Marka welwelka golaha shacabka oo lagu daray xaqiiqada taal Xamar ee nabadgelyada kusaabsan lana garabdhigo hadalka Raisalwasaare Kheyre waxa soo muuqaneysa sida uu raisalwasaaruhu dadweynaha ugu sheegayo hadallo maaweelo iyo maad u  badan oo aan katurjumeyn xaqiiqada taagan.

2-September-2018 ayaa weerar kadhacay xarunta degmada Howlwadaag, dhimashada iyo dhaawaca waxaa u dheeraa burburka xaruntii degmada, hal todobaad kaddibna 10-September-2018 waxa weerar kale oo u eg kii agu qaaday degmada howlwadaag laga fuliyey degmada Hodon, dhimasho iyo dhaawac iyo burburka dhismayaashii xarunta degmda ayuu kategey.

Haddaba marka aan xaqiiqadaas iyo hadalka raisalwasaaraha isgarabdhigno ma waxa jira sabab loo sacbiyo, loo mashxarado ama loo alalaaso?

Ismoogeysiinta xaaladda jirta!

Marka xannuun badan jiro ama meel kamid ah jirka lagu sameynayo qalliin waxa la adeegsadaa daawo lagu halmaansiiyo qofka xannuunka iyo laxowga, taasina waxa ay leedahay muddo kooban oo loogu talagalay in ay jirka kujirto, marka ay daroogadaasi kabaxdo jirka waxa kusoo baxa qofka xannuunkii oo markan u baahan in aan la daroogeyn ee uu si caadi ah isaga baxo kaddib marka ay raysashadu billaabato.

Hadalka raisalwasaaruhu waxa uu dadweynaha kunool caasimadda ka weecinayaa xaqiiqada taal magaalada iyo dhibka jira oo u baahan in aan laga leexan ee xal iyo la tacaalid hdab ah loo helo, sidaas awgeed hadalada sarajoog katuurka ah ee la iska jeediyo iyada oo loo qaato in dadka dhegeysanayaa ay doqmo yihiin ama ay qaarad kale ku nool yihiin waxa ay sababi doonaan in xalku fogaado.

Qaar kamid ah Weerarada dhacay inta ay jirto xukuumadda Raisalwasaare Kheyre!

TT Taariikhda Weerarka Dhimasho Dhaawac
1. 14-june-2017 Pizza House 22 M/H
2. 20-june-2017 Degmada Wadajir 11 22
3. 22-june-2017 Saldhigga waabari 5 M/H
4. 14-Oct -2017 Isgoyska Zope 656 200+
5. 29-Oct-2017 Naasahablood 2 29
6. 7-july-2018 Otto otto 15 21
7. 14-july-2018 SYL 6
8. 2-Sep-2018 Howlwadaag 7
9. 10-Sep-2018 Hodon 10
10. Isugeyn: 761 243; inta aan helay

 

Ku ciyaaradda caqliga Bulshada

Dadka siyaasadda qaarkood ayaa marka ay xilka helaan waxa isbeddela habkii ay u fakarayeen ama waxa ay la kulmaan wax si walba uga duwan wixii ay filayaan kahor intii aanay xilka qaban, kaddibna waxa ku adkaata in ay muwaadiniinta u sheegaan waxa dhacay iyo sababta isbeddelkooda, sidaas awgeed waxa ay billaabaan tororog iyo in ay bulshada u kala qaybiyaan koox koox,  ama waxa ay bulshadu ku kala qaybsantaa go’aanadooda madaxda iyo habka ay wax u maamulayaan, tanina waxa ay inta badan qabsataa bulshada ay qabyaaladda iyo dhaqamada kafog dowladnimadu ku dhacaan ee iska caabintooduna ay ku adkaato.

Warbaahinta nuucyadeeda kala duwan ayaa dadweynaha u bandhigta hadalada ay madaxdu jeediso hayeeshee aan macaha lahayn ama xiriirka lalahayn noloshooda, kaddibna waxa ay sababaan rejo beel ku dhaca bulshada, tusaale siyaasi ay bulshadu wax weyn kasugeyso marka ay u suurageli weyso islamrkaana uu bulshadau sheegi waayo waxa dhacay ayay yididiilo xumidu kudhcadaa dadweynaha.

Sida uu kuqoray buugiisa Mind managers  qoraaga Herbert Irving Schiller warbaahinta Mareykanka qaarkeed ayaa muddo laba sao ah waxa ay xayiiysiineysay cabitaan caan ka ah Mareykanka, waxa jilayey Jillaa iyaduna can ah oo meteleysay macalimad, gadaasheeda waxa fadhiyeywiil yar oo qiyaastii 12 jir ah oo kudul hurdaya miiskii uu wax ku baranayey, waxa la muujinayaa in uusan wiilku awood badan u lahayn aqrinta duruustiisa, macalimadda ayaa weydiisay waxa ku dhacay ee uusan casharadiisa u aqrin Karin?

Ardaygii ayaa ku jawaabay in cabitaankii kadhammaaday shalay, sidaas awgeedna uusan awooodin in uu wax aqriyo ama uu xoog saaro diyaarinta casharadiisa.

Hadalada siyaasiyiintu waxa ay kadhigan yihiin sidaas oo kale, marka aanay katurjumeyn xaqiiqada iyo waxa la rabo in la gaaro bilaha iyo maalmaha lajoogo.

Marka dhaqankaas xayeysiiska la dhexgeliyo siyaasadda iyo maamulka dalka waxa dhacda in ay talada iyo madaxda ku dhowaadaan guulwadayaasha guuldarrada horseeda!

© Xuquuqda Qoraalkan waxaa iska leh  Mustaqbal Radio