Golaha Amaanka QM oo kulan deg deg ah ka yeeshay Caruurti lagu xasuuqay Yemen

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay Carruurtii ay xasuuqeen Isbaheysiga Sacuudiga.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in baaritaan madax bannaan oo lagu kalsoon yahay lagu sameeyo duqayntii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu ku dileen carruurta badan ee reer Yemen.

Golaha Ammaanka ayaa ku heshiiyay in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada baaritaanka uu ballan qaaday milatariga Sucuudiga.

 Weerarkaasi ay carruurta ku dhammaadeen ayaa khamiistii ka dhacay gobolka Sacda ee Xuutiyiintu ay maamulaan.

Waxaana ugu yaraan ku dhintay 29 carruur ah balse saraakiisha Xuutiyiintu ayaa sheegay in 40 Carruur ah  lagu dilay duqeyntaasi.

Ku simaha madaxa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey Karen Pierce, ayaa sheegtay in goluhu uu ku adkeysanayo in loo baahan yahay baaritaan dhab ah.