Gabdho Soomaali ah oo Meydkooda laga helay duleedka Magaalada Minneapolis

Wararka aan ka helayno gobolka Minnesota ayaa sheegaya in labo Gabdhood oo Soomaali ah oo la la’aan ilaa habeenkii Jimcaha ee Sabtidu soo galaysay, meydkooda iyo baabuur ay wateen laga helay haro ku taalla magaalada Cheska ee duleedka magaalada Minneapolis.

Gabdhahaan ayaa xilligii eheladooda ugu dambeysay wax ay ku maqnaayeen sida la sheegay Goob ay Shaqeyn jireen balse la waayay xilligii ay soo hoyan jireen.

Xamza Warfaa oo ka mid ah Soomaalida ku nool Magalada Minnesota ayaa sheegay in Habenkii jimcada aheyd ilaa iyo hadda baaritaano lagu haayay kadib markii la waayay.

Waxa uu sheegay in markii dambe meydkooda iyo Gaarigii ay wateen laga helay Xaafada Cheska ee duleedka magaalada Minneapolis Gobolka Minnesota balse aysan garaneyn cida ka dambeysay dilkooda.