Faah-faahin: Askari oo Itoobiyaan ah oo Lagu Dilay Gobolka Hiiraan

faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saakay ka dhacay deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 20Km ujira magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay Ciidamo Ethopia ah oo ka yimid beledweyne,islamakaana kusii jeeday dhanka dalka Ethopia.

Jugta qaraxa ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha Ceel-gaal waxaana la sheegay in dhimasho iyo dhawac ay kala kulmeen Ciidamadda Ethopia ee gobolkaas ka howlgala.

Qaraxa kadib ayay ciidamada Itoobiya waxay rasaas ku fureen wadada hareeraheeda balse illaa iyo hadda lamasoo sheegin wax khasaare ah.

Maleeshiyaadka Al-shaabab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa lala eegtay Ciidamadda Ethopia.

Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 30-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Ethopia, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

“30 askari oo ethopiyaan ahaa ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax lagula eegtay deegaanka Ceel gaal, kolonyada qaraxa lala helay ayaa ka baxday magaalada Baladweyne waxayna kusii jeedday dhanka Itoobiya” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamadda Dowlada Soomaaliya aynu la hadalnay ayaa inoo sheegay in qaraxa uu jiro balse aysan sheegin khasaaraha uu dhaliyay.