Dowladda Shiinaha oo taageero u muujisay Myanmar

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in dhibaatada dadyowga muslimiinta ahi ee qowmiyadda Rohingya aanan lagu xallin karin cadaadis la saaro dowladda Myanmar.

Haweeney afhayeen ah oo u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa hadalkaasi sheegtay maalin uun kaddib markii baarayaal ka tirsan Qaramada Midoobey ay hoggaamiyeyaasha milatariga ee Myanmar ku eedeeyeen dambiyo ka dhan ah aadanaha, dambiyo dagaal iyo xasuuq.

Ku dhawaad 700,000 oo qof oo ka tirsan muslimiinta qowmiyadda Rohingya ayaa sanadkii la soo dhaafay ka qaxay dalka Myanmar, waxa ayna miciin bideen dalka deriska ah ee Bangladesh.

Dadkani ayaa ka baxsanayay tacaddiyo ay u geysanayeen ciidamada milatariga ee Burma iyo dadka Buudistaha ah ee dalkasi ugu tirada badan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka arrinsanaya natiijada baaritaanka ay sameeyeen baarayaasha Qaramada Midoobey.

Wakiilka Myanmar ee Qaramada Midoobey ayaa warbixintan ku tilmaamay mid hal dhinac ah oo aad uga fog xaqiiqada dhabta ah.