Deegaan laga mamnuucay in wax Caruur ah lagu dhalo

Warbaahinta Caalamka ayaa maanta si weyn wax uga qoraysa Go’aankii kasoo baxay maamulka Jasiiradda Fernando de Noronha oo ku taala dalka Brazil ee ahaa in aan wax ilmo ah aan lagu dhalinkarin.

maamulka Jasiiradda Fernando de Noronha ayaa horay u sheegay in marnaba aysan aqbali doonin in Jasiiraddaasi ay ilmo ku dhashaan,islamarkaana haweenayda hadii ay uur yeelato in ay ka baxdo Magaalada.

Fernando de Noronha ayaa 370 kilmitir u jirta magaalada Natal, waxaana jasiiradan kunool saddex kun oo qoys, kuwaasi oo aan loo ogoleyn in wax ilma ah halkaasi ay ku dhalaan.

Jasiiradda Fernando de Noronha ayaa kamid ah kuwa ugu caansan caalamka dhanka dalxiiska, waxaana la sheegay in jasiiradan ay can ku tahay xayawaanka duur joogta, shimbiro midabo kala duwan leh iyo xayawanaad kale.

Goobtaan ayaa loogu tala galay in lagu damaashaado, oo aan loo ogoleyn Carruur.