Dahab lagu qiimeeyay 7 Milyan oo Dollar oo la xaday iyo baadi goob loogu jiro

Hay’addaha Ammaanka Magaalada Hyderabad ee koonfurta dalka Hindiya ayaa billaabay baaritaan ay ku samaynayaan xatooyo loo gaystay baaquli dahab ka samaysan oo dheeman lagu xardhay kaas oo ay lahayd boqrtooyo hore.

Sarkaal ka tirsan Booliska magaalada ayaa sheegay in la xaday dahabkaasi,islamarkaana ay ku jiraan baaritaano ku aadan sidii gacanta dowladda loogu soo celin lahaa.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Kooxda Tuugada ah sidoo kale xadeen koobka shaaha lagu cabo oo dahab ah.

Alaabadan ayaa culayskooda lagu sheegay 3kg, waxaana lagu qiimeeyay 7 milyan oo doolar.

Gudoomiyaha Magaalada Hyderabad ayaa sheegay in alaabtaan uu iska lahaa Osman Ali Khan oo ahaa boqorkii u dambeeyay ee Nizam ee magaalada Hyderabad oo mar ahaa ninka u taajirsan adduunka oo dhan.