Home Somali News Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu soo dhigay

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo gacanta lagu soo dhigay

Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay howlgalo xoogan ay ka wadaan deegaano ku yaala inta u dhaxaysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buula-Burde.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka  Soomaaliya ayaa sheegay inta ay socdeen howlgaladaan lagu soo qabtay ilaa iyo Shan qof oo lala xariirinayo inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.

Dhawaanahaan waxaa soo badanaayay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka socda Gobolada Hiiraan iyo Jubbada Hoose.