Daawo Sawirada: wiil 7 sano jir ah oo la gowracay iyo dad qalato kusoo badatay magaalada…

Booliska magaalada Lagos ee dalka Nigeria ayaa maalinimadii Khamiista ahayd xiray Wadaad ka howl gala Kaniisad Altar kaasoo lagu helay dambi ah inuu gowracay wiil yar oo 7 sano jir ah, wadaadkan ayaa wiilka uu gowracay waxa uu madaxiisa ku duugay kaniisada gadaasheeda.

Afhayeen u hadlay saraakiisa kiiskan baareysay oo lagu magacaabo Famous Cole ayaa sheegay inuu baaritaanku lugaha la galay wadaadkan kaniisada ka howl gala iyo saaxiibkiis Eric oo ah ninka wiilkan yar gowracay ayaa waxaa ka caawiyay saaxiibkiis oo lagu magacaabo Adedoyin Oyekan.

Falkan ayaa la xariira kuwii horay uga dhici jiray gudaha dalka Nigeria ayadoona dadka la gowraco xubnahooda la iibsado kuwaas oo la sheegay in ay wax ku daweeyaan dad quraafaadka ku shaqaysta.

Eric ayaa sheegay inuu wiilka dhibanaah ah aabihiis saaxiib dhow la ahaa uuna ka faa’iideystay waqti uu aabhiis maqnaa wiilka yar kadibna uu ka xaday guriga maalinimadii Arbacada ahayd, markii Eric oo ah ninka wiilka xaday uu weydiiyay aabaha dhalay wiilka yar waxa uu ku jawaabay wiilku inuu guriga ku jiro balse aabaha ayaa ka waayay guriga wiilka yaraa kadibna Booliska ayuu war galiyay waxaana ugu danbayn laga helay dhabarka dambe ee kaniisada Altor Wiilka oo qaarkiisa dambe uu jawaan dhuxul kula jiro kadibna madaxiisa ayaa hadana la helay meel uu ku duugnaa.

Labadan nin ee naxariista daran ayaa lagu hayaa Jeelka wayn ee magaalada Lagos.

Shacabka iyo Booliska dalka Nigeria ayaa qaati ka taagan dad qalato kusoo badatay mudooyinkii u dambeeyay ayadoo sanadba sanadka ka dambeeyo falka dadka la gowraco uu kusii siyaadayo wadankaas ayadoo sanadkii 2016dii ay ka dhacee qiyaastii 20 Kun oo kiis kuwaas oo lala xariiyay falka sheydaanimada ee loo yaqaano “Ritualism” falkaan ayaa waxaa ku kaca dad aan naxariis lahayn kuwaas oo dadka gowraca kadibna xubnahooda gata waliba qiimo aan badnayn.

SAWIRO