Ciidamada Israel oo mar kale qabsaday Markab Gargaar u siday Gaza

Ciidamada Israel ayaa qabsaday markab kale oo ka mid ah isbahaysiga caalamiga ah ee Freedom Flotilla, kaasoo waday shixnad gargaar ah oo loo waday Marinka  Gaza si looga jawaabo xayiraada ay kusoo rogtay Xukuumadda Tel Aviv.

Dhacdadan ayaa dhacday maalmo ka dib markii ciidamada badda ee Israel ay qabsadeen markab calanka Norway uu ka lushay kasoo waday gargaar.

Markabkan oo lagu magacaabi “Freedom for Gaza” iyo 12-qof oo saarnaa ayaa la geeyay dekedda dalka Israel ee Ashdod Sabtidii maanta, waxaana Ciidamada Yahuuda ay sheegeen in ay ku waddaan baaritaano.

 Markabka ay qabsadeen Ciidamada Yahuuda ayaa waday qalab Caafimaad sidda uu sheegay Sarkaal ka tirsan cidamada Isael.
Ciidamada Yahuuda ayaa la sheegay in ay doonayaan in ay Caburiyaan Shacabka Falastiniyiinta,islamarkaana ay ka hor istaggaan gargaarka loo waddo.