Afkeenna hooyo u hiili

Magaca Eebe ayaan ku bilaabayaa.

In kastoo aanan ahayn luqadyahan, afka daadiyay hasa ahaatee waxaa rabaa inaan aragtidayda gaaban ka dhiibto arrin aan u arko in ay lamahuraan tahay.

Ugu horray waxaa igu khasbay in aan qoro qoraalkan, aniga oo dhagaysanaya wacdi wadaad soomaaliyeed uu jeedinayo maalin dhawayd buu wadaadkii yiri “Waa bashar ina la mid ah oo wax tajribeeyay uun laakiin maaha malaa ig. Walidaalika ikhwaanii fillaah hadduu hammigeennu xaqiiqo yahay dariiqa iyo daacada Allena aan raacno waan guulaysanaanaa fiddunyaa wal aakhirah, wuuna xaqiiqoobayaa hammigaasi laakiin majiro mujtamicii hammigaas xambaari lahaa……”Wadaadku ma af soomaali buu ku hadlay mise af carabi???!!!

Nin oday oo asaguna af soomaali ku hadlaya ayaa yiri:

”Civil society organizations ka ama munadamaat almujtamicul madani”
Bal muu iska yaraahdo “Ururada bulshada rayidka ah” miyuu garan waayey???!!!

Waxay u eegtahay in qaar badan oo kamid ah aqoonyahankeennu ay si dadban ula ladaagaalamayaan afkeenna hooyo. Waxaaba kasii daran kuwa ay shaqooda ay ahayd in ay wax ka qabtaan sida baarlamaanka hasa ahaatee nasiib darro qaar badan oo kammid ah waxay isticmaalaan ereyadan: Problem ka jira, ladagaalanka corruption ka, commision ka qaranka, research lasameeyay, statistic soo baxay, lojic maaha, satate ka, hebel land, case culus, constitution keennu wali waa, motion ka keenaya.

Lobby garaynaya, campaign graynaya, analise garaynaya, vote garaynaya, critisaayraynaya, manage garaynaya, establish garaynaya, investment garaynaya, ku base garaynaya, information la,aan, level hoose, boycott lagu sameeyo, Relation ka dhexeeya, meadia henna waa, waxaasi waa very simple, role model u noqonaya, centerka, qaadanaya responsibility giisa, dictator nimo, waa professional, limit ka uu leeyahay, diaspora da, ubaahan financial, physically ahaan iyo psychology ahaan.

Nation, mission, assasination, conflict, violence, sensitive, strategy, reconciliation, resignation, majority, minority, position, institional, Good governance, positive, negative, transparency, effectiga uu leeyahay, federalism, private, general, ekonomi, business, priminister ka, parliamentarian ka, emergency, capacity, accountability, material, report kii ugu danbeeyay, si official ah, security ga, cabinet ka international community ga, unated nationka, system kani waa, immigrationka, iyo qaar kale oo badan.

Waxaan filayaa in ereyadaan iyo kuwo kale oo badanba dhagihiinna wax badan kusoo dhaceen.
Af carabiga laftiisu kama yara hadduusanba ka badnayn.
Ereyadan af soomaali miyey u waayeen???!!!
Dadka ay lahadlayaan ma wada fahmayaan ereyadaan?!!!

“Af qalaad aqoontu miyaa?”!!! Abwaan Cali Sugulle

Aragtidayda
Af aqoon ah majiro ee Afku waa xiriir uun.
Af Egiriisiguna kama cilmi badna afafka kale. Sidaa daraadeed marka afka dadkiisu ay wax ku dhigaan, aqoontana galiyaan ayuu afkuna kobcaa.
Af Jabbaanays waxaa lagaga hadlaa Jabbaan oo kaliya hasa ahaatee af Jabbaanayku maanta aqoonta dunidoo dhan ayuu sidaa.

Waxay ilatahay qof aanan afkiisa waxba ku gudbin karin af kalana waxba kuma gudbin karo.

Ugu danbayn Waxay ilatahay ku faanka isticmaalka af qalaad aysan noo soo kordhineyn wax darajo ah haba yaraatee. Sidaa daraadeed Waxaa inoo qurux badan in aan si raaxo leh u isticmaalno afkeenna hooyo.
Culimada, aqoonyahanka, ganacsatada, wariyayaashaba iyo bulshada inteeda kalaba waxaa looga baahanyahay in ay afka ilaaliyaan.

Culimada, aqoonyahanka, ganacsatada, wariyayaashaba iyo bulshada inteeda kalaba waxaa looga baahanyahay in ay afka ilaaliyaan.

FG: Qoraalkayga cidna uguma dan lihi waxay iga tahay in aynu afkeenna xoojinno.

W/Q Qaasin Cabdulaahi.                                                                                          Arday jaamacadda Lund ee Sweden ka Barta Cilmiga Hab Dhaqanka Bulshada ahna Bare Afka Soomaaliga.